Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Amar la dul dhigay saraakiisha ATMIS iyo kuwa Soomaalida doorashada kahor.

May 14 (Jowhar.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxay maanta kulan ku saabsan amniga doorashada la yeesheen gudigga qabanqaabada doorashada madaxweynaha JFS iyo sarkiisha sare ee howlgalka ATMIS.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee (sector1) Maj. Gen William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa saraakiisha faray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashada ay ku dhacdo si nabad ah.