Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Farmaajo oo sheegay in Soomaaliya ay wax badan dheertahay dalal waaweyn

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu uga hadlayo caleemo saarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax badan dheertahay dalal waaweyn, markii la eego dhanka dimoqraadiyadda.

“Waxaan ognahay in dowlado institutions-koodu adag yahay oo naga fac wayn, dimoqraadi ah ay natiijada doorashooyinkooda mararka qaarkood hareeyaan muran iyo khilaafaad,” ayuu Farmaajo qoraalkiisa ku yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray “Guusha aan maanta ku faanayno ma laha qof kaliya, waa guul Soomaaliyeed marka laga eego sawirka guud, waa guul sumcadeenna dowladnimo, dalka iyo ummadda Soomaaliyeed  sare u qaadday.”

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey, “dalka wuxuu leeyahay dowlad shaqayneysa iyo hoggaan la doortay oo sharciyad buuxda leh oo na matasha. Qof walba oo talada qabta wakhti ayuu leeyahay,  laakiin waxaan ka baranay qori-isu-dhiibku inay tahay dhaqan iyo sunno wanaagsan oo aan dimoqraadiyaddeenna ku horumarinayno.”