Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Golaha Wadatashiga Qaranka oo warbixin ka dhageystay Ergeyga Gurmadka Abaaraha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii labaad  guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa Goluhu waxa ay warbixin kaga dhageysteen Ergeyga Gaarka ah ee  Gurmadka Abaaraha Dalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ergeyga Gaarka ah ee  Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la wadaagay Madaxda Qaranka warbixinno ku saabsan xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta qaar ka mid ah deegaannada dalka, caqabadaha ku gedaaman gurmadka, Istaraatiijiyadda ku aaddan xalka waara ee ka hortagga abaaraha iyo halka uu marayo qorsheyaasha ay dowladdu kaga jawaabeyso arrimaha abaaraha.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa uga mahadceliyey Ergeyga Gaarka ah ee  Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur dadaallada uu ku bixinayo isku dubaridka iyo u ololeynta kaalmooyinka caalamiga ah.

Golaha ayaa waxa ay isla qaateen in si wadajir ah loo dardargeliyo howlaha gurmadka Abaaraha.