Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Gudoomiyaha Aqalka Sare oo Safiirka dowladda Qatar kala hadlay abaaraha dalka.

June 05 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Aqalka SareA ee baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xasan bin Xamze Haashim.

Sida wararku sheeegayaan, danjiruhu wuxuu Guddomiyaha ugu yimid salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha iyo Danjiruhu waxaa kale ooy ka wada hadleen adkaynta xiriirka labada Dal, in Dowladda Qadar kaalin mug leh ka qaadato gurmadka abaaraha ba’an ee haatan ka jira dalka, iyo sidoo kale in la dhiso xiriir wax tar leh oo wada shaqayneed oo ay wada yeeshaan Golayaasha Sharci dejin ee labada Dal.

Kulanka waxaa kale oo goobjoog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac.

gudoomiyaha aqalka sare oo safiirka dowladda qatar kala hadlay abaaraha dalka.