Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Kumaandooska Gorgor oo qabtay Doon ay isticmaali jireen Shabaab.

May 26 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal gaar ahaa oo ciidamadda Kumaandooska ee Gorgor ka sameeyeen saldhigyo Shabaab ay ku lahaayeen tuulooyin u dhow deegaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan waxa uu si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Tawakal iyo Balow, wararka waxey sheegayaan in tuulada Tawakal ay ciidamada ku gubeen Doon dheereysa oo ay lahaayeen Shabaab, taasoo ay isaga kala gudbi jireen tuulooyinka Bariire hoostaga.

Taliyaha ururka 7-aad, guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Maxamed Sheekh oo howlgalkan hoggaaminayay ayaa sheegay in Doonida ay gubeen Shabaabku ku raran jiray lacagaha iyo wixii kale  ay shacabka ka qaadaan.

Deegaanada howlgalada laga sameeyay waxaa wali ku sugan ciidanka xoogga dalka, iyadoo kooxdii Shabaab ay goobta isaga baxsatay, lama oga in ciidamadda Kumaandooska ee Gorgor goobaha ay iska sii joogi doonaan ama ay isaga tagi doonaan sidii hore looga bartay.