Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Maxaa laga filayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maanta la soo gabagabeynayo?

June 12 (Jowhar.com)-Waxaa maanta la filayaa in la soo gabagabeeyo shir ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho, kaas oo shalay uu Villa Somalia ka furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida wararku sheegayaab, shirka maanta waxaa lagu faaqidi doonaa dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisida garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Shirka oo Sabtidii shalay furmay, waxaa maalintii koowaad diiradda lagu saaray qorsheyaasha hortabinta u leh dowladda, si gaar ah waxaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta dowladda federaal iyo dowlad goboleed iyo dib u heshiisiin la dhex dhigo dadka Soomaaliyeed.

Waa shirkii Labaad ee madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu la yeesho golaha wadatashiga qaran, wuxuuna kusoo aadayaa xilli la filayo maalmaha soo socda in madaxweyne Xasan Sheikh uu magacaabo raysal wasaaraha Soomaaliya oo madaxda qaar ee shirka fadhida ay doonayaan in loo magacaabo dad ay iyaga wataan.