Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Maxay ka wada hadleen Gudoomiyaha Golaha shacabka & danjiraha dalka Baxreyn ee Soomaaliya?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur-Madobe ayaa kulan la qaatay danjiraha dalka Baxreyn Amb. Juma bin Ahmed Al Kacabi.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sida dowladda Baxreyn ay u garab taagan tahay dowlada Soomaaliyeed iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa xirirka Saaxiibtinimo ee labada dal.

Danjiraha ayaa intaas ka dib dhamaal salaan ah la wadaagay Guddoomiyaha Golaha Shacabka kaas oo uga siday dhigiisa dalkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uga mahadceliyey doorka dowladda Baxareyn ay ku leedahay iskaashiga labada dal ayaa xusay in dowladda Soomaaliyeed gaar ahaan Golaha shacabka dhexmari doonto Xirir Aqoon kororsi labada dowladood ah.