Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

RW Rooble oo xarigga ka jaray dugsiga agoonta ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

May 31, 2022

posted Horseed Reporter

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xarigga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah.

Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee ay ka dhinteen askartii naftooda u huray qaranka, ayaa horey wax ugu baran jirey dhisme ka sameysan jiinkad oo wax yeelo u geysanayay xiliyada kulaylaha.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqasho ku tagay xarunta agoonta Ciidanka booliska Soomaaliyeed 24 kii bishii Janaayo ee sanadkii 2021 oo ka damqaday goobta ay wax ku baranayaan, ayaa amray in iskuulka loo badelo mid u qalma ilmo  ay ka dhinteen muwaadiniinta naftooda u horey qaranka.