Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Somaliland oo go’aanno ka soo saartay qoondada 350-ka ah ee looga qorsheeyey Xajka

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulan la qaatay culimada iyo qaar kamid ah shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka.

Kulanka ayaa lagu lafo-guray caqabadaha soo wajahay arimaha gudashada waajibaadka xajka gaar ahaan qoondada 350-ka ah ee loo qorsheeyey Somaliland.

Waxaana kulankaasi fariin looga diray wakiillada shirkadaha Diyaaradaha Somaliland ka hawl-gala oo looga digay inay ku tallaabsadaan arrimo ka soo horjeeda mawqifka ay Somaliland ka qaadatay qoondada Xajka.

Waxaana ka mid ahaa Qodobadaasi:

1- Shirkadaha, iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajku, waxa ay si buuxda u taageereen go’aanka xukuumadda ee ah in aanay sinnaba suuro gal u ahayn oo aan la aqbali karin tiradaasi kooban.

2- Somaliland, waxa ay la socodsiinaysaa  dawladda Sucuudiga, maadaama ay guud ahaan umuadda muslimka ah ay mas’uul uga yihiin arrimaha xajka in ay  Soomaalya siyaasadaysay xajkii, kaas oo ah mid ka mida arkaanta Islaamka. 

3- Ugu dambayn, waxaa la farayaa daneeyayaasha arrimaha xajka, shirkadaha xajka ka shaqeeya iyo xamladahaba in ay u hoggaansamaan go’aankan maanta la wada qaatay, oo aanay dhici karin in cidi baal marta.