Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Waa Kuma Lataliyaha arrimaha dhaqaalaha ee madaxweyne Xasan Sheekh?

May 25 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xasan Aadam Hosow u magacaabay la-taliyihiisa sare arrimaha dhaqaalaha, wuxuuna noqonayaa qofkii 2aad uu lataliye u magacawdo.

Qofka xilkan loo soo magacaabay waa nin dhallinyaro ah, aqoon durugsan iyo khibrad u leh dhaqaalaha, Wuxuu dalka ku soo laabtay sanadkii 2019 si uu uga howl galo hey’adda Qaramada Midoobay.

Wuxuu sanadkii 2019 illaa maanta uu ahaa La Taliyaha Dhaqaalaha ee kuxigeenka Wakiilka Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku Duwaha Arrimaha Horumarinta ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula.

Ka hor inta uusan ku soo noqon dalka, Xasan wuxuu ku noolaa dalka Canada oo uu ka ahaa dhaqaalyahan ka howl gala Wasaaradda Batroolka ee Alberta, Canada.

Xasan wuxuu intii uu Madaxweyne Farmaajo dalka ka talinayay ahaa mucaarad ku dagaalamma qalinkiisa. Waxaa lagu xusuustaa in uusan mowqifkiisa ku aaddan maamulkii hore marnaba is beddelin.

Xasan wuxuu waxbarashiida ka bilaabay Jaamacadda Al Azhar ee Masar, wuxuu Bachelor-kiisa dhaqaalaha ka qaatay Jaamacadda Alberta ee Canada; wuxuu laba Masters ka heystaa Jaamcadda William Woods ee ku taalla Missouri, USA, iyo Jaamacadda Illinois, USA. Hadda waxaa gebegebo u maraya heerka PhD ee dhaqaalaha.

Wuxuu ku hadlaa luqadaha Carabiga, English-ka iyo Af Turki.