Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Wadooyinka Halbowlaha ah ee Magaalada Muqdisho oo saaka xiran

Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka xiray wadooyinka Halbowlaha ah ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa dadka u diidaya in Gaadiidka noocyadiisa kala duwan isticmaalaan, mana jiraan wax gaadiid dadweyne ah oo shaqeynaya, marka laga reebo gaadiidka wada ardada iyo kuwa dowladda

Waddooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Isbitaalka xooga, Sheekh Cali Suufi,  Isgoyska Banaadir, Soobe, Lambar afar (KM4) iyo Wadada 21 Oktoobar.

Sidoo kale waxaa meelaha qaar loo ogoleyn shacabka in ay ku socdaan, waxaanalagu amrayaa in ay isaga laabtaan.

laamaha Amniga dowladda Soomaaliya ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin sababta loo xiray, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqanayo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.