Yaa ah Muwaadin Soomaaliyeed?

Hashi Yasin Osman

Qore: Xaashi Yaasiin Cismaan

Gogoldhig:
Soomaalidu waa qawmiyad-qarameed (ethnic Nation) ballaaran oo deegaankoodu yahay dhul baaxad weyn oo ku yaal Geeska Afrika.

Waxaynu nahay ummadda ugu horreysa ee ka tirsan Afrikada Madow (Sub Sahara) ee isleh (Homogenous) oo isku af, diin, dhaqan, isir iyo degaanba ah.

Xataa boqollayda (Percentage-ka – %) aan badnayn ee isirkooda ama asalkoodu ka duwan yahay kan Soomaalida, waxay yihiin ummado qarniyaal ka hor soo degay, la keenay amaba loogu yimid Geeska Afrika oo af ahaan, diin ahaan, dhaqan ahaan iyo hayb-qarameed (i.e. National Identity) ahaanba SOOMAALIYOOBAY.

Ma jiraan qawmiyada kaloo aan ahayn SOOMAALI oo ku dhex nool ama dhex-degta dalka Soomaaliya. Waxaa iswaydiin mudan, maxay ku dhacday in qowmiyadda Soomaalidu ay wada deggan tahay afar dal oo geeska Afrika ku wada yaal? Adduunka badankiis, waxay xudduudyada dalalku muujiyaan Qowmiyado (ethnic), Af (linguist) ama Diin (religious). Tusaale ahaan, xudduudyada dalka Spain, waxaa ku dhex nool dadka Af-Isbaanishka ku hadla ee Yurub. Slovenia iyo Croatia waxaa ku xayndaaban qawmiyadaha kala ah Islovenka iyo Croatiga. Sidoo kale, Thailand waxay muujinaysaa dhulkii qowmiyadda Thai-ga.

Afrika, iyadu waa ka duwan tahay adduunka intiisa kale. Xudduudyada qowmiyaduhu, maahan kuwa ay samaysteen dadka Afrikaanka ahi, ee waa kuwa ay sameeyeen gumaystayaashii reer Yurub.

Shirwaynihii Baarliin (Berlin Conference) ee socday laga bilaabo 15.11.1884 illaa 26.02.1885, ayaa inta khariidada qaaradda Afrika miiska laasoo saaray, halkaas gobol gobol (cad cad) loogu qaybsaday.

Shirwaynahaas Baarliin, waxaa ka dhashay in ummado kala isir, af ama diin ah laysku daray oo hal dal laga dhigay. Kuwo isku isir, af ama diin ahna, lugu kala daray dhawr dal.

Tusaale ahaan, waxaa dhulka qawmiyadda Soomaalida, jeerkaas kala qaybsaday Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga. Keddibna, intii lugu jiray xilligii gumaysiga, ayaa qayb la siiyay Itoobiya, qaybna Keenya.

Hadda qawmiyadda Soomaalidu, waxay ku kala sugan yihiin dalalka kala ah Soomaaliya, Itoobiya, Keenya iyo Jabuuti. Xiddigta cad ee shanta geesood leh, ayaa ah astaan u taagan in dhulkii Soomaalida loo qaybiyay shan qaybood (Italian Somaliland, French Somaliland, British Somaliland, Hawd and reserve Area – Itoobiya iyo the Northern Frontier District (NFD) – Kenya). Xuduuddada dalalka qaaradda Afrika oo idili waa kuwii uu isticmaarku ku sameeyay shirwaynihii Baarliin.

Haddaba, iyadoo laga baqayo in ay bilawdaan dagaallo-xudduudeedyo, ayaa markii la soo gaaray 1964tii, waxay ururka midawga Afrika (OAU) ay bayaan (Charter) ku soo saareen “in xuduuddadii gumaysiga reer Yurub ay sameeyeen, sidooda loo daayo, si aysan u imaan dagaallo ka dhex dhasha qawmiyadaha Afrikaanka”.

Dalalkii Afrikaanka, badankood way wada saxiixeen bayaankaas. Waxaa diiday oo aan saxiixin Soomaaliya iyo Morocco. Dalalka Ghana iyo Togo, iyagu su’aalo iyo doodo ay ka keeneen xudduudka kala qaybiyay qawmiyadda Ewe, laakiin xudduudkii isma baddalin o sidiisaa loo daayay.

Sida qaalibka ah adduunka laba siyood baa muwaadin lugu noqdaa.”

  1. U dhalasho (Jus sanguinis – Latin: right of blood) – tus. Labadaada waarid ama midkood hadduu yahay Soomaali, adna waxaad noqonaysaa soomaali.
  2. Ku dhalasho (Jus Soli – Latin: right of soil) – tus. Qofku meesha uu ku dhasho ayuu muwaadin ka noqonayaa.

Labada siyoodba (U-dhalasho & Ku-dhalashaba) waxaan ku nahay “Soomaali”.

Waxaa haddaba, is weydiin mudan, yaa lugu tilmaami karaa amaba noqonaya muwaadin Soomaaliyeed (Somali Citizen)? Ma qof kastoo Soomaali u dhashay (i.e. labadiisa waalid ay Soomaali yihiin), meeshuu doono ha deggenaadee, tusaale ahaan, Jabuuti, Itoobiya iyo Keenya, mise qofka ku nool dalka JF Soomaaliya keliya, ayaa la oran karaa “Muwaadin Soomaaliyeed”?
Intaanan falanqaynta iyo ka jawaabidda su’aasha kore u gelin, waxaan marka hore, si kooban u xusayaa arrimo ay tahay in Soomaalidu si fiican u fahmaan.

Ka sokow labada arrimood ee kala ah “U-dhalasho” iyo “Ku-dhalasho”, waxaa adduunka casriga ah ka jira in qofi yeelan karo, amaba qaadan karo laba dhalasho (dual Citizenship) iyo/amaba dhawr dhalasho (Multiple Citizenship).

Waddamada adduunku, kulligood ma wada oggola qaadashada laba dhalasho. Kuwooda oggoli, waxay samaysteen shuruuc iyo xeerar ku salaysan danahooda siyaasadeed, dhaqameed, diimeed, haybeed iyo bulshadeedba.

Shuruudaha waddamada reer galbeedka waxaa, tusaale ahaan, ka mid ah:

  • In qofku sanooyin cayiman dalkaas ku sugan yahay (i.e. inuu leeyahay degenaansho daa’in ah – Permanent Residence)
  • Inuu luuqadda dalkaas looga hadlo, si fiican u yaqaan
  • Inuusan dembiyo ka gelin dalkaas
  • Inuu canshuurta dalkaas si joogta ah u bixiyo, ikm
    Shuruudaha dalalka carabta, waxaa ka mid ah:
  • In qofku si fiican u yaqaan afka Carabiga
  • In qofku yahay muslin, dhalasho ahaan (by Birth) ama diinta qaatay (by Conversion)
    Taas ka sokow, qaadashada laba dhalasho, waxay leedahay faa’idooyin iyo khasaarooyin.
    Faa’idooyinka waxaa ka mid ah:
  • Xuquuqyada siyaasadeed (political Rights)
  • Shaqada & safarka (work & travel)
  • Adeegyada bulshada (Social services)
  • Laba Baasaboor (Two passports)
  • Hanti yeelasho (Property ownership)
  • Waxbarasho dhaqameed (Cultural education)
    Khasaarooyinka waxaa ka mid ah:
    a- Laba jeer canshuurka (Double Taxation) (alyacni waa inuu labada dalba canshuurta bixiyo)
    b- Qofka haysta dhalashooyinka laba dal, midkoodna kama qaban karo xilalka ku taxan lambarada C, D, E & F). Waa arrimaha la xiriira sirta, amniga iyo siyaasadda dibedda ee qaran leeyahay.
    c- Madaxwayne, ku/xigeen, ra’iisul wasaare, wasiirro, xildhibaanno golaha sharci dejinta
    d- Abbaanduulayaasha iyo saraakiisha ciidamada militariga iyo booliska
    e- Madaxda & shaqaalaha Sirdoonka qaranka
    f- Safiirada

Intaas keddib, haddaan u soo noqdo su’aasha ku xusan cinwaanka maqaalka, Soomaaliya waxay xudduud uu gumaysigii sameeyay la leedahay Soomaali deggan dhul Soomaaliyeed (i.e. Keenya, Itoobiya & Jabuuti). Dadkaasi waa dad u-dhalasho iyo ku-dhalashaba Soomaali ah.

Waxaa xusid gaar ah mudan, in waagii ay Keenya xorriyadda qaadatay, inay jireen kulammo iyo shirar looga hadlay qadiyadda Soomaalida ku nool NFD- Keenya.
Waxaa waayadaas miiska saarnaa, in Soomaalida ku nool NFD, loo oggolaado laba dhalasho (dual Nationality) iyo/ama la siiyo dhalasho Soomaaliyeed (Somali Nationality).

Labada talo-soo-jeedinba, waxaa berigaas ku gacansayray labadii xisbi ee kala ahaa KADU (Kenya African Democratic Union iyo KANU (Kenya African National Union)

Waxaan haddaba, anigoo ka shidaal qaadanaya, Soomaalinimadayda, garaadkayga iyo aqoontayda kooban, soo jeedinayaa arrimaha soo socda:-

1- In marka ay soo noqoto dawladnimadii & qaranimadii Soomaaliya, uu wada hadal iyo heshiis laba-geesood ah (Bilateral Agreement) dhex maro (Soomaaliya & Itoobiya); (Soomaaliya & Keenya) iyo (Soomaaliya & Jabuuti), si Soomaalida deggan dhulalkaas, loogu oggolaado, loona siiyo laba dhalasho (dual Citizenship). (Waxaa xusid muudan, in Dastuurka dalka Keenya ee 2010 uu oggol yahay qaadashada laba dhalasho (dual citizenship). Laakiin Dastuurka dalka Itoobiya maba oggola laba dhalasho qaadashada oo xataa muwaadinkii Itoobiyaan ah oo qaaata dhalasho kale, wuxuu luminayaa tan Itoobiyaanka, waxaana qofkaas loo sameeyaa aqoonsi gaar ah oo la yiraahdo ID-ga muwaadiniinta ajnabiga ah ee asalkoodu Itoobiyaanka yahay – (Foreign national Ethiopian origin identification card). Sidoo kale, Dastuurka Jabuuti ma oggola qaadashada laba dhalasho. Waana arrin uu ka dambeeyo Faransiisku, oo xataa, sida la og yahay, markay xorriyadda qaadanayeen, shardi looga dhigay inaysan la midoobi karin dalka Soomaaliya).
2- Inay la xuquuq yihiin, Soomaalida kale ee deggan Jamhuuriyadda Soomaaliya.
3- Haddii Soomaaliga ka soo jeeda saddexdaas meelood uu rabo inuu Jamhuuriyadda Soomaaliya ka qabto xilalka iyo xirfadaha ku xusan C, D, E iyo F, waa inuu ka tanaasulo dhalashada Keenyaatiga, Itoobiyaanka iyo jabuutiyaanka.
4- Mustaqbalka, markii la helo dawlad dalkoo idil ka wada Talisa, in bixinta labada dhalasho (dual Citizenship) loo oggolaado KELIYA kuwa degaan ahaan deggan dhulalka Soomaaliyeed ee ka tirsan Keenya, Itoobiya iyo Jabuuti.
5- In qaadashada dhalasho Soomaaliyeed (Somali Citizenship) ay shardi u yihiin

  • A- Aqoonta afka, dhaqanka, hiddaha, taariikhda & juquraafiga Soomaaliyeed
  • B- Inuu Muslin yahay, amaba uu soo muslimay
  • 6- In qurbajoogta Soomaaliyeed ee wada haysta labada dhalasho, ay waajib ku tahay bixinta labada canshuur (Double Taxation).

Zurich, Switzerland


Football news:

<!DOCTYPE html>
Kane on Tuchel: A wonderful man, full of ideas. Thomas in person says what he thinks
Zarema about Kuziaev's 350,000 euros a year in Le Havre: Translate it into rubles - it's not that little. It is commendable that he left
Aleksandr Mostovoy on Wendel: Two months of walking around in the middle of nowhere and then coming back and dragging the team - that's top level
Sheffield United have bought Euro U21 champion Archer from Aston Villa for £18.5million
Alexander Medvedev on SKA: Without Gazprom, there would be no Zenit titles. There is a winning wave in the city. The next victory in the Gagarin Cup will be in the spring
Smolnikov ended his career at the age of 35. He became the Russian champion three times with Zenit

17:52 Israel oo duqeyn ku dishay Qoyskii Wariyaha Telefishinka Aljazeera ee Gaza
17:41 Madaxweyne Xasan Sheekh oo Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub
17:36 Ra’iisal wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Bariga Afrika u qaabilsan dowladda Malaysiya
15:09 A Somalia Port for a Returned Somali land!
14:36 Ethiopian scientist Gebisa Ejeta receives National Medal of Science from US
14:19 Said Deni: The new change in SSC-Khatumo will hinder finalizing constitution
11:37 Somali Prime Minister meets Malaysian Ambassador to enhance bilateral relations.
6:51 Qaramada Midoobay oo digniin kasoo saartay xaalada Gargaarka Gaza
6:49 Xoghayaha guud ee UN-ta oo sheegay in ay cadahay “xadgudubka bini’aadamnimo ee lagu hayo Gaza”
6:45 Macron oo si la yaableh ugu baaqay dhismaha isbaheysi la dagaalama Xamaas!
9:52 Mortar shells hit three districts in Mogadishu
9:21 Suicide bomber detonates explosive device in Turkey’s Ankara
5:42 Somaliland parliament approves election law ending months-long electoral dispute
5:09 Wolverhampton Wanderers 2-1 Manchester City: City suffer first league defeat of season
5:05 Businessman 'captured' in Somalia over weapons supply
5:03 Shelters for migrants fill up across Germany as attitudes toward newcomers Harden
4:57 We will crush terrorists, financiers – CS Duale
19:06 Editorial: Puntland’s Rocky Road to Democratic Reform: A Missed Opportunity
13:21 Xasan Sheekh oo la kulmey siyaasiyiinta Koonfur Galbeed
12:55 Maraykanka oo markale gacanta ku dhigay sarkaal sare oo ka tirsan Daacish
10:33 Xukun dil ah oo lagu riday xubno ka tirsanaa Shabaab oo dilal ka fulin jiray Gaalkacyo
8:13 Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo gaarey Dhuusamareeb
16:30 Somalia is winning the fight against Extremists
16:03 5 dead as suicide bomber targets restaurant in Somali capital
14:32 Somali intelligence forces capture suspected al-Shabab-linked arms smuggler
13:37 Somali Intelligence Agency Arrests Alleged al-Shabaab Arms Smuggler
13:32 Hay’adda NISA oo qabatey madaxii iibka saanadda ee al-Shabaab
10:31 Pakistan: Labo qarax oo lala beegsaday munaasabada Mowliidka
10:15 Putin oo hogaamiye cusub u magacaabay kooxda Wagner
10:11 Niger: Weerar lala beegsaday ciidamada Militariga
8:07 Mogadishu's mayor urges residents to prepare for El Niño rains
7:18 Sweden oo gargaarka ay Soomaaliya siiso shuruud uga dhigtey dib u celinta qaxootiga
6:40 Dalalka ay Soomaaliya ciidamadu ka joogaan oo taageeray codsiga Xasan Sheekh
5:52 America needs a new strategy in Somalia
5:45 Suspected Al Shabaab militants abduct chief’s brother in Garissa
5:42 Five killed, 13 wounded in Somalia car bombing
5:41 US offers $5 million reward for info on al-Shabaab's no. 2 leader in Somalia
5:26 Suicide car bomb kills 6 as Somali forces foil 2 others in central Somalia
5:24 Atmis troop contributors endorse Somalia's request to delay drawdown
5:22 Magnitude 4.9 earthquake hits Djibouti
20:17 Yaa ah Muwaadin Soomaaliyeed?
20:00 UN Security Council Receives Letter of Support for Delayed Somalia Troop Drawdown
16:37 Bad Strategies Boost Al-Shabab – OpEd
15:24 Suicide Bombing in Central Somalia Kills at Least 6
15:16 Hiiraan: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Buula-barde
14:52 Suicide car bombing kills six people in Bulaburde district
14:15 Several security personnel injured in twin car bombing in central Somalia
13:14 Somali court drops corruption charges against government officials, sentences others for corruption
10:51 Somali Officials Sentenced in Major Corruption Case
10:02 Qatar Airways executive says invasive gynecological examinations of passengers won't be repeated
9:59 U.S. Somalia Policy at a Crossroads
8:22 Somali forces intercept two car bombs, foil Dhusamareb attack
8:04 Maxkamadda gobolka Banaadir oo 11 eedeysane ku ridey xukuno la xiriira Musuqmaasuqa.
6:34 State starts building roads to thwart incessant terror attacks in Lamu
6:22 EU's Political and Security Committee engages security and stability cooperation talks with Somali authorities
6:22 EU's Political and Security Committee visits Somali Police Headquarters for security cooperation talks
6:03 Nairobi: Madaxweynaha Puntland oo la kulmey qaar kamid ah Wakiilada beesha caalamka
5:47 Relative calm returns to historic Ethiopian city
5:40 East Africa bloc climate service warns of higher temperatures alongside El Nino rains
5:36 Laba qarax oo lagu fashiliyey Dhuusamareeb
5:34 Security chiefs to discuss terrorism issues in two regions
14:24 Roundup: UN general debate concludes with renewed commitment to combat global challenges, create solidarity
14:13 Puntland military court sentences three men for membership in al Shabab
13:55 Somalia’s Bid to Delay AU Troop Drawdown Rejected
13:32 Taliyaha cusub ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka oo xilka la wareegay
13:02 Gaalkacyo: Saddex nin oo ka tirsan al-Shabaab oo xukun lagu ridey
11:34 569,000 people displaced in Somalia due to conflict, insecurity
7:29 Donald Trump oo lagu helay in uu ku kacay khiyaano
7:25 Ciraaq: Ugu yaraan 100 ayaa ku dhintay dab ka kacay goob uu ka socdey xaflad aroos
7:15 Wasiirka Arrimaha Dibadda oo warqadaha ka guddoomey safiirka cusub ee Sweden
6:55 Booliska Beledweyne oo hal qof u qabtey qaraxii dadka badan ku dhinteen
6:25 Police officer arrested over deadly suicide bombing in Beledweyne town
5:59 Kenya to start building nuclear power plant in 2027 - CEO
5:56 Local militia forces kill three al-Shabab terrorists in central Somalia
5:31 Tigrayans mourn fighters killed in Ethiopia war
5:29 IGAD to hold ministerial meeting on adoption of IGAD youth policy
5:26 Kenya confident its police will end Haiti gang war
5:24 Kenyan trader linked to arms shipment to Somalia goes missing
20:10 The Clock is Ticking in Puntland – Op-Ed
13:28 Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo sheegay in dhaqaaluhu hoos u dhacay
12:28 ATMIS and Somali security forces step up joint patrols in Barawe
11:25 Boost for terror fight as US, Kenya sign pact
11:08 Qatar condemns deadly suicide bombing in Beledweyne town
10:43 Erdogan oo shuruud cusub ku xirey Sweden in ay ka mid noqoto NATO
9:15 Somaliland's Central Bank denies devaluing Somaliland Shilling
7:26 Maraykanka iyo Kenya oo iska kaashanaya Difaaca
7:19 Dad badan ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Nagorno-Karabakh
5:30 Uproar over proposal to lengthen Kenya president's term
5:28 Al-Shabab militants killed in raid after truck bomb - Somalia
5:24 Somalia's president praises Türkiye for its support
5:22 Somali Prime Minister rallies local community, praises young Somali Americans during Minnesota visit
5:17 Breakaway Somaliland says will not discuss unification with Somalia
5:12 Video: Somali prime minister recognizes Afro Deli owner for contributions to community
19:04 Ukraine oo sheegtay inay duqeyn ku dishay abaanduulihii ciidamada badda Ruushka
19:03 Maraykanka oo gacanta ku dhigay xubin sare oo ka tirsan Daacishta Siiriya
18:50 Erdogan oo booqday Azerbaijan
14:45 SCC-Khatumo Executive Council approves newly appointed secretaries
13:47 Musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan xasaasi ah la qaatey Aadan Madoobe
12:44 Dubai: Siciid Deni oo 40 maalmood kadib ka dhoofay dalka Imaaraadka
12:26 Somaliland rejects talk of unification with Somalia after Museveni comment