Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Agaasimaha cusub ee Hay’adda NISA oo xilka la wareegay

Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad NISA ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay Yaasiin Fareey oo si Ku-meel-gaar ah xilkaas u hayay.

Munaasabad kooban oo loo qabtay Xil wareejinta Agaasimaha cusub ee NISA waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradiisa.

Sidoo kale waxaa munaasabada  ka qeyb-galay Taliyaha ciidanka xooga dalka, Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Taliyaha ciidanka booliska qeybta gobolka Banaadir.

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa 26-kii bishaan ansixiyey magacaabista taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISA), kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.