Somalia

Dagaal culus oo Ciidamada Danab iyo Al-Shabaab ku dhex maray agagaarka deegaanka Sabiid

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay agagaarka deegaanka Sabiid oo ay saldhig ku lahaayeen Ciidamada DANAB, kaddib markii ay halkaas weerar ku soo qaadeen Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan dagaalka oo la isu adeegsaday hub culus ayaa dadka deegaanka soo sheegaya inuu ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu xoogganaa ee deegaanka ka dhaca, tan iyo markii Ciidanka Danab ay la wareegeen.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn, waxaana intii uu socday dagaalka lagu gubay gaadiid dagaal.

Ciidamada Danab ayaa la sheegay inay iska difaaceen weerarka ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku soo qaadeen, sida ay sheegayaan saraakiisha ciidamada.

Dhowr jeer oo hore Al-Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday deegaanka Sabiid, hase ahaatee ciidanka oo difaacyo adag ka sameystay agagaarka deegaanka ayaa dib isaga caabiyay.

Football news:

Josep Bartomeu: Setien is doing a great job. We have full confidence in him
Pique on La Liga: Barca do not like to fall behind, but we have made every effort to change the situation
Pep Pro 0:1 with Southampton: city liked the Game, but it's not enough to win
Mandzukic is Interesting to Fenerbahce and Galatasaray. It is also claimed by Loco and Milan
Messi wants to finish his career at Barca. Bartomeu believes that Leo will not leave in a year
Gasperini about Atalanta: we Want to reach the Champions League and break the club's record for points in Serie A
Hames can leave Real Madrid for the Premier League for 25 million euros. A year ago, Atletico and Napoli offered 45-50 million euros for him. Real Madrid Midfielder Hames Rodriguez is likely to change clubs at the end of the season