Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Dhaq-dhaqaaqa Xamaas oo fariin culus u soo diray madaxweynaha cusub Xasan Sheekh.

May 21 (Jowhar.com)-Dhaq-dhaqaaqa Xamaas ee u dagaalama xoriyada reer Falastiin ayaa war ka soo saartay doorashada Muqdisho ka dhacday 15-kii bishan ee uu ku soo baxay madaxweynaha 10-aad ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxa xafiiska siyaasadda dhaq-dhaqaaqa Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa hanbalyo u diray madaxweynaha cusub, isagoo u rajeeyay inuu hormar balaaran gaarsiiyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“ka Dhaqdhaqaaq Xamaas ahaan iyo guud ahaan Shacabka Falastiin waxa aan fariintaan hambalyada ah u diro Walaalaheen Soomaaliyeed gaar ahaan Madaxweynaha aan walaalaha nahay ee la doortay, waxa aan ugu duceyneenaa Horumar iyo Barwaaqo, innaga oo u rajeyneyno wax u qabadka Qaranka iyo dadka” ayuu yiri Ismaaciil Haniyah.

Mr. Haniyah oo u duceeyay madaxweynaha cusub ayaa sidoo kale hordhigay fariin culus oo ah
arrinta falastiin oo uu ka dalbaday inuu ka qaato doorkiisa hoggaamineed marka la joogo fagaarayaasha caalamiga ah.

“Waxa aan kuu rajeynenaa in aad guullo ku hoggaamisid dalka una adeegtid qarankaaga si aad wax ugu qabatid arrimaha waaweyn ee ku horyaalla, arrinta falastiin waa in aad doorkaaga ka qaadataa, si kal iyo lab ah ayaan kuugu duceynaa mudane guul iyo in Walaalaheen Soomaaliya aad gaarsiisid horumar iyo Barwaaqo” ayuu sii raaciyey.