Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Farmaajo oo u guuray goob ay ku badan yihiin mucaaradkiisa 5-tii sani ee la soo dhaafay.

May 21 (Jowhar.com)- Madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa in maalinta Isniinta uu si rasmi ah u wareejiyo Xafiiska Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay uu bilaabay geeddiga guuritaankiisa Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa degaya guri ku yaalla aagga Xeyndaaban ee ku yaalla agagaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo ka mid aheyd goobihii ay degenaayeen Mucaaradka, intii uu talada hayay ay ka dhaceen shaqaaqooyin iyo weeraro lagu qaaday Mucaaradka mar ay bannaan bax dhigayeen.

Hoyga uu u guurayo Farmaajo waxaa hadda deggan Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, oo bidix ka xiga Hotel Shabeel, oo uu hadda deggan yahay Madaxweynaha 10-aad ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, kuna yaalla goob amnigeeda aad loo ilaaliyo.

Farmaajo ayey dad badan rumeysan yihiin iney u bilaaban doonto waayo cusub oo mucaaradnimo ah, maadaama uu doorashadii 15-kii bishan ka dhacday Afisyooni uu kaga guuleystay Xasan Sheekh oo hormuud u ahaa mucaaradka ka soo horjeeday hanaankiisa wax maamul.