Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Go’aan laga gaaray gabadha Soomaali ah oo dishay ninkii isku dayey inuu kufsado

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2019-09-12 09:30:24Z | http://piczard.com | http://codecarvings.com

Dacwad-oogaha guud ee dalka Masar ayaa amray in lasii daayo gabadha Soomaalida ah ee dishay nin Masri ah oo bajaajke ahaa kaas isku dayey inuu kufsado.

Go’aanka dacwad-oogaha oo ah mid jiri doona illaa baaritaanka laga soo geba-gabeeyo ayaa yimid kadib markii booliska iyo dhaqaatiir sameeyey tijaabo caafimaad ay xaqiijiyeen inay sax tahay doodda gabadha ee ah inay is-difaaceysay kadib markii bajaalaha uu isku dayey inuu kufsado.

Sida uu sheegay xafiiska dacwad-oogaha, wuxuu 17-kii May helay warbixin sheegeysay in meydka Bajaajle laga helay waddo ku taalla banaanka xaafadda 6-da October ee Giza.

Waxyar kadib gabadha Soomaalida oo markii hore da’deeda lagu sheegay 16 jir, balse hadda la sheegay inay tahay 15 jir, ayaa booliska isku soo dhiibtay ayada oo timid saldhiiga booliska Giza, islamarkaana ku wargelisay inay dishay bajaajle.

Gabadha Soomaalida, oo aan magaceeda la shaacin, ayaa sheegtay in ninka uu ula soo baxay mindi, iskuna dayey inuu kufsado, balse ay iska caabisay ayada oo dhaawac uu ka gaaray faraha balse ugu dambeyn ku guuleysatay inay mindida kala wareegto kadibna isaga ku disho.