Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Howlgal ka dhan ah Maandooriyaha & Ciyaal Weero oo la sameeyey Muqdisho

Ciidamada Ammaanka gaar ahaan kuwa Booliska ee Soomaaliya ayaa howlgallo ka sameeyey Xaafado katirsan degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir kadib markii cabasho ay katimid qaar kamid ah Bulshada degmadaas.

Howlgalka ayaa lagu soo qabtay Maandooriyaal iyo Ciyaal weero kuwaas oo qeyb weyn ka ahaa amni darrada kajirta degmada.

Guddoomiyaha Cusub ee degmada Deeyniile oo horkacayay howlgalka ayaa Bulshada ku nool Degmada kula dardaarmay in ay kala shaqeeyaan sugida amniga iyo xasiloonida.

Sidoo kale waxaa uu ka codsaday waalidiinta dhalay dhalinyarada ku howlwalan falalka amniga lidi ku ah in ay Carruurtooda kawarqabaan.

Inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa dadka kunool waxaa bilihii la soo dhaafay ka cabanayeen Ciyaal weero iyo Kooxo Burcad ah oo dhac u geysanayay.