Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Kenya oo u hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 16 (Jowhar.com)-Waxaa isa soo taraya hambalyada loo dirayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wadamadii ugu dambeeyay ee hambalyada u soo direy Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ay ahaayeen dalalka Kenya iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha cusub ay dhammaan shacabka Soomaalida u tahay arrin taariikhi ah isla markaana ay daliil u tahay horumarada ay sameeyeen hay’adaha dowladda.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u hambayeeyay madaxweynaha cusub kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

“Madaxweyne Uhuru Kenyatta wuxuu Xasan Sheekh Maxamuud kala shaqeyn doonaa si wadidda xiriirka iskaashi iyo midka saaxibtnimo ee labada dal,”ayaa lagu yiri farriin kasoo baxday madaxtooyada Kenya oo lasoo dhigay Twitter-ka.

Labadan dowladood ayaa waxaa hoos u dhac uu ka jirey xiriirka uu la lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxaa hore ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh dalalka UK iyo Itoobiya.