Somalia

Madaxweynihii Hore ee Koonfur Afrika oo Muqdisho yimid

Madaxweynihii hore ee Dalka Koofur Afrika, mudane; Thabo Mbeki iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa yimid Magaalada Muqdisho.

Thabo Mbeki, ayaa hoggaaminaya Guddi heer sare ah oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika, waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cabdulle kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane; Danjire Axmed Ciise Cawad, wakiilka Soomaaliya u fadhiya Xoghayaha guud ee QM, James Swan, u qaabilsanaha Midowga Afrika ee Soomaaliya,  Ambassador Francisco Madeira iyo madax kale.

Ma cadda ujeedka booqashada madaxweynihii hore koonfur Afrika ee Muqdisho, hase yeeshee waxaa la filayaa inuu ka hadlo ujeedada socdaalkii marka uu la kulmo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

HORSEEDMEDIA

Football news:

Ole Gunnar Solskjaer: I Think it was a penalty against Aston Villa
Philadelphia played in t-shirts with the names of black people who died at the hands of the police
Kompany tries everything at Anderlecht: he coached without a license (terrible), played 15 matches and invested 3 million euros in the club
Aston Villa coach on Manchester United penalty: A shameful decision
Paul Pogba: Winning the Europa League and the FA Cup are two of Manchester United's goals for this season
Manchester United's first ever Premier League win 4 consecutive games with a difference at least 3 goals
Brunu has scored 7 (4+3) points in his last 3 games for Manchester United