Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Rooble oo shaqa joojin ku sameeyay wasiirka arrimaha dibadda,baarisna lagu sameynayo.

May 24 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqa joojin ku sameeyay wasiirka arrimaha dibadda Cabdisaciid Muuse Cali, maalin kadib markii uu madaxtooyada isaga baxay madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qoraal ka soo baxay wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cadeeyay inuu go’aankan la xiriiro warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xirnaa xeebaha dalka Cumaan.

Ra’iisul wasaare Rooble oo baabi’iyay warqada lagu fasaxay markabkaas ayaa dhinaca kale ku amray hanti-dhowrka Qaranka iyo Wasiirka Amniga iney baaritaano dheeraad ah ku sameeyaan wasiirka oo ay u gudbiyaan hay’adaha garsoorka si talaabo sharci ag looga qaado.

rooble oo shaqa joojin ku sameeyay wasiirka arrimaha dibadda,baarisna lagu sameynayo.

rooble oo shaqa joojin ku sameeyay wasiirka arrimaha dibadda,baarisna lagu sameynayo.