Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

RW Rooble oo la kulmay Madaxweynaha cusub ee Imaaraadka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Dowladda Isu tagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Madaxweynaha uga tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariisto Madaxweynihii hore ee Imaaraadka Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal hambalyo  iyo tacsi ah oo uu uga siday madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Dhankiisa madaxweyne Maxamed Bin Zayid ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay doorashadii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo in guud ahaan howshii doorashada dalku ku soo dhammaatay si nabad ah.