Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Xasan Sheekh oo kulan deg deg ah la qaatay madaxda maamul goboleedyada.

May 17 (Jowhar.com)- Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa duhurnimadii maanta kulan gaar ah la yeeshay madaxweynayaasha maamul goboleedyada, iyadoo kulanka uu ka dhacay hoyga Xasan Sheekh.

Kulanka waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Puntland Siciid Deni, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor, madaxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis Lafta Gareen iyo madaxweynaha Hirshabelle.

Sida wararku sheegayaan, kulanka oo u badnaa is xogwareysi ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii loo xaajin lahaa cilaaqaadka dowladda iyo maamul goboleedyada oo sanadihii la soo dhaafay qaarkood aan wanaagsaneyn.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta tegay Villa Soomaaliya, halkaasoo uu kula soo kulmay madaxweynaha xukunka ka sii degaya ee Farmaajo, iyagoo ka wada hadlay diyaarinta xil wareejinta.