Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Xasan Sheekh oo sheegay inaanan doorashada xigta lagu qaban doonin Afisyooni

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay munaasabad lagu abaalmarinayay guddiyadii iyo howlwadeenadii doorashooyinkii dalka ka dhacay ayaa ku bogaadiyay shaqadii wanaagsaneyd ee ay dalka kaga soo gudbiyeen marxaladdii doorashada.

Munaasabadda oo ka qabsoontay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha waxaa ka qaybgalay Guddoonka Labada Aqal ole ee Baarlamaanka, Aadan Maxamed Nuur iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Wasiiro, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabadaasi ayaa sheegay in dowladiisu ay xoogga saari doonto dhameystirka Dastuurka Qabyo Qoraalka, si looga gudbo caqabadaha dhanka sharciga ah ee dalka, isagoo intaasi ku daray in wax badan ay ku xiran yihiin dhameystirka Dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballanqaaday in doorashada soo socoto aan lagu qaban doonin Teendhada Afisyooni, isla-markaana ay ka wanaagsanaan doonto, kuwii hore.

“Ballanteena caawa aan dadka Soomaaliyeed rabo inaan kula ballamo, u soo jeediyo, kana codsanayo inay nagu garab siiyaan haddii aan nahay masuuliyiintooda waxay tahay 2026, Ilaahay idinkiis teendhadii inaan loo noqonin” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale waxa uu intaas sii raaciyey “waan ka shaqeynaynaa, dadka Soomaaliyeed-na waxaan ka codsanaynaa inay nagu garab istaagaan, oo ay nagu taageeraan inaan meeshaasi loo noqon.”