Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Xil. Mahad Salaad oo loo magacaabay Agaasimaha NISA

Golaha Wasiirada Xil-gaarsiineed ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la horgeeyey magacaabidda Agaasimaha Hay’adda NISA, waxaana loo magacaabey Xil. Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah dadka sida weyn ugu dhaw Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, oo gacantiisa midig ah.

Mahad Salaad ayaa kamid ahaa dadka sida weyn u dhaliili jirey hay’addan iyo shaqada ay qabato saddexdii sano ee u danbeysey.

Hay’adda NISA ayaa isbeddel weyn waxaa ku sameeyey Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Daahir oo xilkaas laga qaadey bishii September sanadkii 2021. Qoraal dheer oo Fahad Yaasiin hadda ku faafiyey Internetka ayuu ku dheegay in dal walba uu hor-marsan yahay inta sirdoonkoodu hor-marsan yahay. Fahad Yaasiin iyo hay’adda NISA ayaa mucaaradka uu kamid ahaa ninka hadda loo magacaabey xilkaas ay ku eedeeyeen in ay hay’addu qabato shaqooyin ka baxsan awoodaheeda sida dilal qorsheysan, cabburin, beddelid maamul goboleedyo iyo waxyaabo kale.

Agaasimaha xilka laga qaadey ayaa isagu galay Baarlamaanka waxaana lagu magacaabaa Yaasiin Farey.

Soo jeedinta Golaha Xukuumadda ee in ay magacaabeen Mahad Salaad ayaa sugeysa in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ansixiyo, waxaana la filayaa in uu isla maalmahan qalinka ku duugayo.

Waxaa si weyn la isu weydiinayaa sababta keentey in la dedejiyo magacaabiddan iyada oo xukuumad rasmi ah aan la soo dhisin weli.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa magacaabidda uu ilaa hadda sameeyey aysan soo dhaafin saaxibadiis iyo kooxdii ololihiisa doorashada.

Horseed Media