logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo
star Bookmark: Tag Tag Tag Tag Tag
Norway

Baabuurka korontada ee Tesla oo hawo wasaqaynta kaga xun baabuurta naaftada

Cilmi baaris machadka Jarmalka ee dhaqaalaha oo lagu ogaaday  in baabuurta korontada sida Tesla aysan ahayn sida loo maleeyo.

Riix halkan Norsk

Waxaa diyaariyey: Halvor Ripegutu

Baarista uu sameeyey machadka dhaqaalaha Ifo oo ah kan ugu caansan Jarmalka waxaa lagu soo gebagabeeyey in marka qofku wato Tesla ay uga daran tahay wasaqaynta cimilada in la wato gaari nuuca naaftada ku shaqeeya ah.

Warbixinta baaristaan ka soo baxday ayaa waxaa soo diyaariyey professor Hans-Werner Sinn oo horey u soo noqday madaxa machadka Ifo, ahna mid ka mid ah dhaqaalayahanada Yurub ugu khibrada badan, professor Christoph Buchal oo ka tirsan jaamacadda Köln iyo Hans-Dieter Karl oo ka tirsan khubaradda tamarta ee Ifo.

Tijaabooyin la sameeyey ayaa waxaa ka mid ahaa kuwa lagu sameeyey labo gaari oo kala ah Telsa nuuca Model 3 iyo gaari naafto ah oo ah nuuca Mercedes C220d.

Waxay muujisay tijaabadu in gaariga Teslaha ah uu 28 boqolkiiba ka wasaqayn badan yahay hawada gaariga kale ee naaftada ah, waxaana la sheegay in wasaqayntu ka imaanayso habka uu baabuurku u samaysan yahay iyo hab samayska korontada.

Themes
ICO