logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo logo
star Bookmark: Tag Tag Tag Tag Tag
Norway

IEA: Ciraaq waxay dhawaan noqonaysaa dalka saddexaad ee shidaalka ugu badan soo saara

Ciraaq oo cagta saartay jidkii ay ku gaari lahayd soo saarista 6 milyan fuusto shidaal ah maalintii ka hor 2030, sidaas waxaa leh hay’adda tamarta ee caalamiga ah ee IEA.

Riix halkan Norsk

Isha warka: NTB

Xilliga iyo sida lagu gaaraba Ciraaq waxay rabtaa inay noqoto wadanka saddexaad ee soo saara shidaalka ugu badan caalamka ayaa lagu yiri hadal kasoo baxay hay’adda IEA khamiistan.

Warbixin cusub oo ay soo saartay IEA ayaa lagu sheegay in wax soo saarka shidaalka Ciraaq kordhi doono tobanka sano ee soo aadan, isagoo ka dhaqaaqi doona 1,3 milyan fuusto maalintii lana filayo inuu gaaro 5,9 milyan fuusto maalintii.

–Ciraaq waxay rabtaa inay noqoto mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan suuqa shidaalka caalamiga ah sannadaha soo socda ayuu yiri madaxa IEA Fatih Birol.

Wax soo saarka shidaalka ciraaq ayaa sameeyey kor u kac fiican sanadihii lasoo dhaafay, waxaana uu koray 50 boqolkiiba marka laga soo bilaabo sannadkii 2012, kadib sanado oo uu gaabis ku socday sababo la xiriiray IS oo wadankaas qaybo ka mid ah maamulaysay.

Ciraaq ayaa hadda ah wadanka afraad ee soo saara shidaalka ugu badan waxaana ka horeeya USA, Ruushka iyo Sucuudiga, waxayna hadda soo saartaa 4,6 milyan fuusto maalintii.

Themes
ICO