Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Donald Trump oo lagu helay in uu ku kacay khiyaano

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sanado badan buun buuniyay qiimaha hantidiisa si uu u helo deyn iyo caymis wanaagsan. Garsoore ku sugan New York ayaa sidaas xukumay. dacwadda ka dhanka ah Trump ayaa la qaadayaa maalinta Isniinta.

Garsoore Arthur Engoron oo ku sugan Manhattan, New York, ayaa go’aamiyay in Donald Trump uu ku kacay fal-dambiyeed wax isdabamarin ah, waxaana uu khiyaameeyey bangiyada ganacsiga iyo shirkadaha caymiska markii uu dhisaayey shirkadiisa ganacsi, wuxuu sannado badan buun buuniyay qiimaha hantidiisa si uu u helo dulsaar hoose, khidmadaha caymiska oo jaban iyo heshiisyo ganacsi oo wanaagsan.

Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka New York Letitia James ayaa dacwad ku soo oogtay Trump, labadiisa wiil ee waaweyn iyo ganacsiga qoyska ee Trump Organization. Trump ayaa lagu eedeeyay inuu ku buun buuniyay qiimaha hantidiisa in ka badan $2.2 bilyan.

Xeer ilaaliye James waxa uu doonayaa in Trump lagu khasbo in uu bixiyo ganaax dhan $250 milyan oo dollar iyo in laga mamnuuco shirkadiisa iyo qoyskiisuba in ay ganacsi danbe ku sameeyaan New York.

Trump ayaa ka xanaaqay go’aankan waxaana uu garsooraha ku tilmaamay mid waalan, arrimaha lagu eedeeyey ayuu u yaqaan in aysan ahayn kuwo qof lagu eedeeyo ee uu yahay qof wax ka soo baxay qof caqli badan.

Sida laga soo xigtay qareenka Trump Alina Habba, Trump wuxuu racfaan ka qaadan doonaa go’aanka Engoron.

“Go’aanka waxaa looga golleeyahay in la qarameeyo mid ka mid ah shirkadaha ganacsi ee ugu guulaha badnaa Mareykanka iyo in lagala wareego hantida gaarka ah,” ayuu yiri qareen kale oo u hadley Trump oo lagu magacaabo Christopher Kise.

Hanad Askar
Horseed Media