Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Pakistan: Labo qarax oo lala beegsaday munaasabada Mowliidka

Tirada dadka ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay goob ay ka socotay xuska dhalashada Nabi Maxamed (NNKH) oo ka dhacay gobolka Balochistan ee dalka Pakistan ayaa kor u dhaaftay 52 qof, sida ay sheegeen saraakiisha iyo warbaahinta.

Bamkan xooggan ayaa Jimcihii ku qarxay meel u dhow masjid ku yaalla degmada Mastung ee gobolka Balochistan, waxaana ku dhaawacmay tobaneeyo kale, kuwaas oo ay ku jiraan qaar badan oo xaaladoodu aad u liidato, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

Gudoomiyaha Maamulka Balochistan Atta Ullah ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan booliiska, Mohammad Nawaz, uu ka mid ahaa dadka dhintay.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay masaajid ku yaal magaalada Hangu, ee gobalka Khyber Pakhtunkhwa oo 100km u jirta caasimada gobalkaasi ee Peshawar.

Weli ma jirto koox sheegatay labadan weerar, iyadoo weerarada noocaan ah ay horey u geysan jireen kooxaha ISIS iyo Talibanka Pakistaan.

Horseed Media