Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Putin oo hogaamiye cusub u magacaabay kooxda Wagner

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u xilsaaray kaaliyihii hore ee madaxii hore ee Wagner, Mr. Andrei Troshev, inuu maamulo kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner oo uu Ruushka u adeegsanayo dagaalka Ukraine.

Kulanka Putin uu la yeeshay Troshev, oo hadda u shaqeeya wasaaradda difaaca, waa tilmaan weyn oo ah in dagaalyahannada Wagner ay ku soo laabanayaan dagaalka ka socda Ukraine.

Isagoo la hadlaya Troshev, Putin wuxuu yiri: “Waad garanaysaa waxa ay tahay hawshaada, waxaad ka warqabtaa arrimaha u baahan in horay loo xalliyo si shaqada dagaalka.”

Kulankan oo uu sidoo kale ku sugna Wasiir kuxigeenka Difaaca Yunus-Bek Yevkurov ayaa gacan kasiin doona Troshev isku dubaridi shaqada dagaalyahanada Wagner.

Hogaamiyihii hore ee Wagner, Mr.Yevgeny Prigozhin ayaa ku dhintay shil diyaarad bishii hore ee Agoosto, shilkaasi oo la rumeysay yahay in loo adeegsaday qarax diyaarada la saaray, ninkaasi oo horey ugu dhawaa Putin ayaa gadood sameeyey bishii June ee sanadkan isagoo dagaal la galay ciidamada Militariga Ruushka.

Horseed Media