Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Laba qarax oo lagu fashiliyey Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegaya in la fashiliyey laba gaari oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa kuwaas oo la doonaayey in lagu qarxiyo gudaha magaalada Dhuusamareeb, subaxnimadii hore ee Khamiista maanta ah.

Wararku waxay sheegayaan mid kamid ah qaraxyada ayaa ka dhacay wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo magaalada, halka qaraxa labaad uu ka dhacay meel ku dhaw bar kontrool oo magaalada laga ilaaliyo

Ciidamada amaanka ayaa markiiba ka shakiyey gawaaridan oo ku furey rasaas xoogan taas oo keentey in ay is qarxiyaan si aan loo qaban.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtey in xogta labadan gaari la hayey, taasna ay fududeysey in ciidamadu ka hortagaan, waxaana dhaawac fudud ka soo gaarey qaar ka mid ah ciidamada amaanka, sida uu sheegay SNTV

Magaalada Dhuusamareeb ayaa muddo laba bilood ah waxaa ku sugan Madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh maxamuud halkaas oo uu ka hagaayo dagaalka ka dhanka ah argagiixisada.

Waa isku daygii labaad ee malayshiyaadka al-Shabaab ay isku dayaan in ay qarax gudaha u soo geliyaan magaalada Dhuusmareeb inta uu joogey madaxweyne Xasan Sheekh, laba todobaad ka hor ayaa sidaan oo kale la fashiliyey qarax kaas oo ka dhacay banaanka magaalada.

Dhawaan ayey ahayd markii qarax lagula eegtay madaxweynaha Galmudug halka loo yaqaan Laasgacamey, waxaa ku geeriyoodey qaar kamid ah ilaaladiisi, halka ay ku dhaawacmeen masuuliyiin kale oo la socotey Qoor-Qoor.