Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Niger: Weerar lala beegsaday ciidamada Militariga

Todobo askari ayaa lagu dilay Koonfur-galbeed dalka Niger weerar ay geysteen kooxo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin mucaaradka, shan kalena waxay ku dhinteen shil baabuur iyagoo isku dayaya inay ka jawaabaan weerarka.

Weerarkan ayaa lugu soo beegay xili dalka Faransiiska oo hore u gumaysan jiray wadankaas uu isku diyaarinayo inuu la baxo ciidamada uga sugan dalkaas, ka dib markii ay codsadeen hoggaamiyayaasha cusub ee milateriga, kuwaas oo xukunka kula wareegay afgambi laba bilood ka hor.

Wasiirka difaaca Niger Salifou Mody, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in cutub ka tirsan milatariga ay “weerar xoogan kusoo qaadeen dhowr boqol oo argagixiso ah” magaalada Kandadji Khamiistii shalat, isaga oo intaa ku daray in toddoba askari looga dilay dagaalka.

Gobolka Tillaberi, oo ah halka uu weerarku ka dhacay, ayaa ku yaalla aagga loogu yeero “saddexda xuduud” ee ay ku kulmaan Niger, Burkina Faso iyo Mali. Deegaankan ayaa ah goob ay ku dhuumaaleysanayaan fallaagada, gaar ahaan kuwa xiriirka la leh Al-Qaacida iyo kooxda Daacish.

Horseed Media