Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Dubai: Siciid Deni oo 40 maalmood kadib ka dhoofay dalka Imaaraadka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin a ka dhoofey magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, kadib markii uu halkaas ku sugnaa muddo 40 maalmood ah.

Siciid Deni oo Nairobi u dhoofay
Siciid Deni oo Nairobi u dhoofay
UAE, waa dalka ugu badan ee Madaxweyne Deni u safro.

Madaxweynaha oo uu weheliyo waardiyihiisa gaar ah ayaa yimid Garoowe ka dhoofey 15 Agoosto, safakan oo ahaa mid kamid ah kuwii ugu dheeraa ee uu Puntland ka maqnaado kaas oo ah safar gaar ah (private)

Wararka soo gaarey Horseed Media ayaa sheegaya in Siciid Cabdullaahi Deni maanta uu ka degayo garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, wararku waxay sheegayaan in uu ku sugnaan doono muddo todobaad ah. Mudada uu joogo Nayroobi ayuu kulamo la yeelanayaa dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ee loo yaqaano deeq bixiyaasha.

Safarka dheer ee Madaxweynaha ayaa ku soo beegmay iyada oo Wasiirka Maaliyaddu Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad qirey in muddo shan bilood ku siman shaqaalaha rayidku aysan qaadan Mushahar, halka ciidamada ay uu danbeysey bishii July 2023 mushahar ay qaataan, qaar kamid ah wasaaradaha Puntland ayaa laga soo sheegayaa in ay iska bixin waayeen kharajiyaadka joogtada ah.

Horseed Media