Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Macron oo si la yaableh ugu baaqay dhismaha isbaheysi la dagaalama Xamaas!

Madaxweynaha Faransiiska Macron oo shalay booqasho ku tagay Tel Aviv ayaa ku baaqay dhismaha Isbaheysi caalami ah oo la dagaalama Xamaas.

Emmanuel Macron ayaa Talaadadii booqday Tel Aviv, si uu u muujiyo taageerada uu uhayo Israa’iil, isagoo sidoo kale digniin u diray dalka Iran.

Macron wuxuu soo jeediyay abuurista “isbahaysi” caalami ah si loola dagaallamo Xamaas si lamid ah isbahaysigii la aasaasay 2014 si loola dagaallamo (ISIS) ee Suuriya iyo Ciraaq.

Dhinaca kale hogaamiyaha France ayaa uga digay Israa’iil inay weerar dhulka ah ku qaado Gaza, taasi oo keeni karta khasaaro iyo waliba xadgudubyo dhanka sharuucda caalamiga ah.

Wuxuu ku dooday Macron in ahmiyada koowaad ee hada ay tahay sidii loo siideyn lahaa dadka ay qafaasheen Xamaas.

Wafdiga Macron ayaa sidoo kale magaalada Ramallah ku booqday Maamulka Falastiin ee uu hogaamiyo Maxmuud Cabaas, kahor intuusan usii gudbin dalka Urdun.

Xukuumada Faransiiska ayaa kamid ah dalalka Yurub ee diiday banaanbaxyada lagu taageerayo Falastiin, walow amarkaasi ay laalshay maxkamada dalkaasi oo sharci daro ku tilmaamtay in xukuumada Macron horjoogsato banaanbaxyada ay dadka shacuurtooda ku muujinayaan.

Horseed Media