Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Nairobi: Madaxweynaha Puntland oo la kulmey qaar kamid ah Wakiilada beesha caalamka

Madaxweynaha Dowladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Nairobi, Kenya ayaa maalintii shalay oo Arbacada bilaabey in uu kulamo la yeesho qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Sida Horseed Media ogaatey Madaxweyne Siciid Deni waxaa uu la kulmey wakiilka Midowga Yurub Karin Johansson iyo saraakiil ka socotey hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, ma jirin wax war ah oo laga soo saarey iyo sawiro laga soo qaadey, iyada oo kulanka lagu tilmaami karo mid qarsoodi ah ama “testing waters”.

Sidoo kale ma jirin cid ku wehelisey kulankaMadaxweynuhu la yeeshay qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka iyada oo Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah mudane Maxamed Siciid Faroole uu ku sugan yahay isla dalka Kenya oo uu Madaxweynaha ku soo dhaweeyey maalintii Isniinta.

Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in uu ka dego magaalada Boosaaso todobaadka danbe, iyada oo Garoowe laga qaban qaabinaayo shir weyn oo ay isugu yimaadaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntland si looga tashto aayaha Puntland.

Horseed Media