Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Sweden oo gargaarka ay Soomaaliya siiso shuruud uga dhigtey dib u celinta qaxootiga

Dawladda Sweden waxay gargaarka ka dhigtay hub ay u adeegsato dib u celinta qaxootiga waxayna ku hanjabtay inay kala noqonayso mucaawinooyinka la siiyo waddamada aan la shaqayn soo celinta.

Johan Forssell Wasiirka Gargaarka Sweden

Bishii May, Wasiirka Gargaarka iyo Wasiirka Socdaalka ayaa warqad wadajir ah u diray dowladda Soomaaliya. Warqadda oo Telefisnaka Sweden ee SVT arkay ayaa waxaa ku qornaa in la xoojiyo iskaashiga ku saabsan dib u celinta qaxootiga iyo in Sweden oo muddo dheer ka mid ahayd dalalka deeqaha ugu badan siiya Soomaaliya ay hadda dib u eegis ku sameyneyso gargaarka, haddii loo hoggaansami waayo isbeddelka cusub.

Ujeedadu waxay ahayd in hoosta laga xariiqo in dawladda cusub ee Sweden ay doonayso in ay dardar geliso dib u celinta qaxootiga, iyo in dowaldda Soomaaliya ku baraarugto isbeddelkan ku yimi siyaasadda gargaarka ee Iswiidhan, ayuu yiri wasiirka gargaarka Johan Forssell (M).

Heshiiska Tidö ee ay wada galeen xisbiga talada haya ee Moderaterna iyo kuwa wax la dhistey ee midigta fog ee SD ayaa lagu sheegay in dowladdu ay “ku xirto qaybo ka mid ah gargaarka in dalka la siiyo ay mas’uuliyad ka saaran tahay muwaadiniintiisa oo uu dib u soo celiyo markii loo baahdo”, taas oo sida uu qabo Johan Forssell uu ka dhigan yahay in qayb ka mid ah gargaarka lagala laaban karo haddii loo baahdo.

Go’aankan ayaa waxaa dhaleeceeyey hay’adaha gargaarka ee hela taageerada dalka Sweden.

Waa inaysan u isticmaalin gargaarka sidii qalab lagu xallinayo siyaasadda qaxootiga, ayuu yiri Philemon Jazi, oo ah agaasimaha hay’adda Diakonia qaybta Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaan la ogeyn in ay heshiiskan saxiixdey, wax war ahna kama soo bixin dhanka Soomaaliya.