Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel.

Labada Madaxweyne ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka Khawaarijta iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.

Madaxweynaha Brussels uga qaybgalaya shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya ayaa sidoo kale soo bandhigaya sida ay xilligan Soomaaliya muhiim ugu tahay wadamada Midowga Yurub, maadaama ay ku jirto marxalad dib u kabasho ah oo ay doonayso inay caalamka la falgasho.