Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Xoghayaha guud ee UN-ta oo sheegay in ay cadahay “xadgudubka bini’aadamnimo ee lagu hayo Gaza”

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inay jireen “xadgudub cad” oo ka dhan ah sharciga bini’aadantinimo ee Gaza wuxuuna ku baaqay “xabad joojin bini’aadanimo oo degdeg ah”.

Hadalkan ayuu ka hor sheegay golaha ammaanka oo xalay kulan ka yeeshay xaalada Qaza oo maalintii 19-aad ee dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Guterres waxa uu sheegay in khatarta dagaalka Qaza uu ku fido gobolka ay sii kordhayso. Waxa uu ku baaqay xabbad-joojin bini’aadantinimo oo degdeg ah si loo gaarsiiyo cunto, biyo, daawo iyo shidaal aadka loogu baahan yahay.

Waxa uu sheegay in cabashada shacabka Falastiin aysan sabab u noqon karin “falalka argagaxa leh ee aan horay loo arag ee 7-dii Oktoobar” Xamaas ka geysatay Israa’iil, wuxuuna dalbaday in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha.

Laakin Guterres ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in “weeraradii Xamaas aysan xaq u siin karin Israel inay ciqaab wadareed la beegsato shacabka Falastiiniyiinta.”

Horseed Media