Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Hiiraan: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Buula-barde

Qarax ismiidaamin ah ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhacay magaalada Buulaberde ee gobolka Hiiraan bartamaha Soomaaliya. Ugu yaraan 6 qof oo rayid u badan ayaa qaraxa ku nafwaayey, waxaana ku dhaawacmey 11 qof oo kale, sida lamaha amnigu wabaahinta gudaha u xaqiijiyeen.

Qaraxa ayaa yimid kadib markii gaari noociisu yahay Lan Cruiser uu ku qarxay Suuqa Xoolaha ee magaalada Buulabrde. Wararku waxay sheegayaan in ciidamada amaanu ogaadeen in gaariga bom la soo saarey kadibna ay rasas ku fureen sidaasna uu ku qarxay.

Qof goobjooge ahaa ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in gaariga uu ka yimid dhanka Galbeed ee degmada Buula barde, sawiro laga soo qaadey goobta ayaa muujinaya burbur lixaad leh oo qaraxu geystey.

Maalintii Sabtida ayay aheyd markii qarax Ismiidaamin ay ku nafwaayeen ku dhawaad 30 qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 50 qof magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Isla maanta ciidamada amaanka ayaa ka hortegay laba gaari oo bom lagu soo xirey, kuwaas oo ku qarxay banaanka hore ee magaalada Dhuusamareeb. Dhamaan qaraxyada waxaa a danbeeya malayshiyaadka ururka argagixisda ee al-Shabaab.