Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo gaarey Dhuusamareeb

Waxaa maanta ka degey magaalada Dhusamareeb ee xarunta Galmudug, Musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda isla maamulkaas.

Wefdigan waxaa ka mid ahaa saddex mudane oo hore uga soo noqdey Soomaaliya Guddoomiyaha Golaha Shacabka kuwaas oo kala ah:

  1. Shariif Xasan Sheekh Aadan
  2. Maxamed Cismaan Jawaari
  3. Maxamed Mursal

Sidoo kale waxaa wefdiga ka mid ah Musharixiin kale oo u taagan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaana ka mid ah Wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti, Agaasimihii hore ee madaxtooyada ee dhawaan is casiley Xuseen Sheekh Maxamuud iyo qaar kale.

Siyaasiyiintan ayaa sheegay in ay Dhuusamareeb u tageen, sidii ay Madaxweynaha ugu taageeri lahaayeen dagaalka socda ee wejiga labaad ee al-Shabaab dalka looga sifeynaayo, iyo ujeedada ugu weyn ee ah doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed sidii ay u qabsoomi lahayd, oo loo fulin lahaa heshiiskii Madaxweyne Xasan Sheekh goob jooga ka ahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishi Febaraayo goob joog ka ahaa heshiis lagu kala sdaxiixdey Baydhabo kaas oo la xiriirey qabsoomida doorashada Koonfur Galbeed oo lagu heshiiyey in ay dhacdo Janaayo 2024.

Muddo xileedkii Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa dhacdey bishii Diseembar 2022, waxaana heshiiska Baydhabo dhigaayey in muddo hal sano ah xilka loogu daro.

Koonfur Galbeed, marna kama dhicin doorasho ka madax banaan Muqdisho. Cabdicasiis Lafagareen ayaa hadda ka maqan Baydhabo waxaana uu safar ugu baxay dalka Turkiga.

Siyaasiyiinta ku kacsan Laftagareen ayaa sheegay in 5 Oktoobar 2023 ay Baydhabo tegayaan si loo dardargeliyo qabashada doorasha.

Horseed Media