Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Qaramada Midoobay oo digniin kasoo saartay xaalada Gargaarka Gaza

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in lagu qasbi karo in ay joojiso hawlgallada gargaarka ee Gaza maanta oo Arbaca ah, sababtuna tahay shidaalka oo sii yaraanaya, xili baaqyada bini’aadantinimo ee ku aaddan “joojinta” dagaalka ay sii kordhayaan.

Deegaanka Marinka Gaza ayaa maalmihii lasoo dhaafay ay gaareen deeq cunto iyo daawo ah oo aad uga yar baahida shacabka, balse waxaan illaa iyo hada loo fasixin dhulkaasi in la geeyo shidaalka oo ay diiday Israa’il.

Isbitaalada ay yaalaan in ka badan 16.000 dhaawacyada duqeynta Israel ayaa sheegay inuu ka dhamaaday kaydkii shidaalka, iyadoo qaar kamid ah isbitaalada sida midka ugu weyne Gaza oo ay gebi ahaanba ka go’aday korontadii.

Digniinta kasoo baxday Qaramada Midoobay oo qaabilsan gargaarka Gaza la geenayo ayaa sheegtay in gaadiidkooda xamuulka aysan hada heysan shidaal ku filan oo ay ku qaadaan deeqda gargaarka ee ka imaaneysa dhinaca xaduuda Masar.

Xasuuqa Israel ay ku wado Gaza ayaa waxaa illaa iyo hada dadka shacabka ah ee lagu dilay ay gaarayaan in ka badan 5,791 qof oo ay ku jiraan 2,360 caruur ah.

Horseed Media