Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Ukraine oo sheegtay inay duqeyn ku dishay abaanduulihii ciidamada badda Ruushka

Ukrain ayaa sheegtay Isniintii in weerar ay ka fulisay xarunta ciidamada Ruushka ee Badda Madow ee Sevastopol oo ka tirsan jasiirada Crimea ee Ruushku heysto ay ku dileen 34 sarkaal oo Ruush ah, oo uu ku jiro taliyihii ciidammada Ruushka ee Badda Madow, Admiral Viktor Sokolov.

Admiral Viktor Sokolov
Admiral Viktor Sokolov

“105 kale oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku dhaawacmay. Dhismaha xarunta taliska badda ayaa gebi ahaan burburtay, ” Ciidamada Ukraine ayaa bartooda Telegram sidaa ku shaaciyey maanta oo Isniin ah.

Ukraine ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si isdaba joog ah u bartilmaameedsatay saldhigyada ciidamada Ruushka ee Crimea, weeraradii ay Jimcihii ku qaadeen xarunta ciidamada badda ee Ruushka ayaa ka mid ahaa weeraradii ugu adkaa. Waxay sidoo kale weerartay xarumaha militariga Ruushka ee u dhow Sevastopol Arbacadii la soo dhaafay, Khamiistii iyo waliba Sabtidii.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in hal askari la la’yahay ka dib weerarkaas. Difaaca cirka ayaa soo riday guud ahaan shan gantaalada Ukraine, siday Ruushka sheegee.

Horseed Media