Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Maraykanka oo gacanta ku dhigay xubin sare oo ka tirsan Daacishta Siiriya

Taliska Ciidanka Dhexe ee Mareykanka ayaa ku guuleystay hawlgal loo adeegsaday diyaarado Helicopter ah oo ay ka fuliyeen waqooyiga Suuriya, Sebtembar 23, 2023 lagu qabtay Abu Halil al-Fad’ani oo ahaa sarkaalka howlgallada iyo fududeynta ISIS ee Suuriya.

Al-Fad’ani ayaa la sheegay inuu xiriir la leeyahay guud ahaan shabakadaha Daacish ee caalamka.

“Qabashada saraakiisha ISIS sida al-Fad’ani waxay kordhinaysaa awoodayada aan ku bartilmaameedsaneyno argagixisada goobaha dagaalka,” ayuu yiri Lt. Col. Troy Garlock, afhayeenka CENTCOM.

Ma jiro dad rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay hawlgalkan, siduu sheegay taliska Maraykanka.

Horseed Media