Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo warqadaha ka guddoomey safiirka cusub ee Sweden

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhiyi doona dalka Amb. Joachim waern oo baddelaya danjirahoodii hore Mikael Lindvall.

Wasiirka iyo Danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay sii wadidda iyo adkaynta xiriirka dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sweden oo ku dhisan iskaashi, is-qadarin iyo wax wada qabsi, sida lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda.

Waddanka Sweden wuxuu ka mid yahay waddamada ay ku nool yihiin oo marti geliyey mid ka mid ah Jaaliyadaha qurba joogta Soomaaliyeed ee ugu ballaaran, waxaana uu dhaqaale badan ku bixiyaa hormarka dalka.

Horseed media