Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Erdogan oo booqday Azerbaijan

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si weyn u soo dhaweeyay guusha ay Asarbayjaan [Azerbaijan] ka gaartay gobalka Nagorno-Karabakh, xilli kumanaan qowmiyada Armenian ah ay ka qaxeen gobolka lagala wareegay Armenia.

Erdogan ayaa gaaray magaalada Nakhchivan ee dalka Azerbaijan si uu u wada hadlo Madaxweyne Aliyev xiriirka Turkiga iyo Azerbaijan iyo arrimaha gobolka & caalamka.

Erdogan iyo Aliyev waxay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan dhuumaha gaaska.

Madaweynaha Turkiga ayaa yiri “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan idin soo booqdo kadib guusha taariikhiga ah, maadaama aan isku xireyno Nakhchivan iyo Turkiga.”

Nagorno-Karabakh, oo ah dhul caalamaka u aqoonsan yahay qayb ka mid ah Azerbaijan, laakiin ay ku badan yihiin qowmiyadda Armenia, ayaa lagu qasbay xabbad-joojin usbuucii hore ka dib hawlgal milatari oo qaatay 24 saacadood oo ay sameeyeen militariga Asarbayjaan.

Horseed Media