Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Hay’adda NISA oo qabatey madaxii iibka saanadda ee al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa soo qabatey nin ku eedeysan in uu al-Shabaab u soo iibin jirey hubka, raanada iyo waxyaabaha qaraxa laga sameeyo.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh waa 28 jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hay’adda NISA gacanta kusoo dhigto xilli uu qorshaynayay in uu u baxsado deegaanada al-Shabaab ka taliyaan.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtey in Sakariye uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka banaankiisa kasoo iibisey saanad ciidan oo loo waday argagixisada al-Shabaab, laguna soo dhex-qariyay alaab ganacsi loo wadey bishii May ee sanadkan ciidanka amaanka ayaa ku qabtey saanadda alaabta lagu soo dhex qariyey dekadda weyn ee Muqdisho iyo weliba garoonka diyaaradaha. Warbaahinta SNTV ayaa sheegtey in dhawaan maxkamad la soo saari doono.

Ururka al-Shabaab ayaa muddo dheer dagaal kula jirey dowladda Soomaaliya oo ay u dagaalamayaan in ay meesha ka saaraan. Soomaaliya waxaa saaran cunno qabateyn hubka ah, inkasta oo kooxaha argagixisadu ay weli banaanka kala yimaadaan hubka iyo saanada.