Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Israel oo duqeyn ku dishay Qoyskii Wariyaha Telefishinka Aljazeera ee Gaza

Xaaskii, wiil iyo gabadh uu dhalay Wael Al-Dahdouh, oo ahaa madaxii xafiiska Aljazeera ee Qaza, ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay Israa’iil fulisay.

Qaar ka mid ah qoyska Al-Dahdouh ayaa ka badbaaday weerarka lagu qaaday guriga ay daganaayeen ee xerada qaxootiga Nuseirat ee koonfurta Wadi Qaza.

Wariyaha ayaa xiliga duqeynta dhacday ku jiray shaqadiisa isla markaana war kasoo tabinayey duqeyn kale oo ka dhacday bartamaha magaalada Qaza.

Inta badan dadka duqeynta wax ku noqday ayaa ah shacab, tirada hada dhimatay ayaa ka badan 6000 qof, iyadoo diyaaradaha Israel ay maanta duqeyn xoogleh ka geysteen koonfurta Qaza oo ah halka ay u qaxeen shacabka kasoo bara-kacay waqooyiga Qaza.

Goobaha sida gaarka ah u bartilmaamsatay Israel ayaa waxaa kamid ah xeryaha qaxootiga, wadooyinka, suuqyada, masaajidada iyo waliba Isbitaalada ay yaalaan kumanaanka kun ee dhaawaca ah.

Horseed Media