Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Erdogan oo shuruud cusub ku xirey Sweden in ay ka mid noqoto NATO

Turkigu oo mar kale isku xirey codsiga Sweden ee NATO iyo iibinta diyaaradaha F-16 ee Maraykanka sida ay ku warantey Reuters.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa horay u sheegay in iibinta diyaaradaha F-16 aysan la xiriirin xubinnimada Iswiidhan ee NATO . Hadda way ka duwan tahay, tii hore.

Haddii Maraykanku ballankooda oofiyaan, baarlamaankeennu sidoo kale ballanka waa oofinayaa ayuu yiri.

Baarlamaanka Turkiga ayaa go’aan ka gaari doona arrinta ku saabsan ka mid noqoshada Iswiidhen ee NATO, sida uu Erdogan u sheegay suxufiyiinta maanta oo Salaasa ah, ka hor inta uusan u duulin dalka Azerbaijan.

Dalalka Sweden iyo Finland ayaa sanadkii hore gudbistey in ay xubin ka noqdaan gaashaanbuurta NATO, kadib duulaankii Ruushka ee Ukraine. Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa codsigoodi kala qaadey waxaana uu oggolaadey Finland, halka Sweden uu shuruudo ku xirey, kadib dib doorashadii erdogan wax yar kadib ayuu sheegay in Sweden la oggolaan doono, waxaase hadda muuqata in uu shuruud kale ku xirey.