Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Maraykanka iyo Kenya oo iska kaashanaya Difaaca

Dowaldda Maraykanka iyo Kenya ayaa maalintii Isniintii kala saxeexday heshiis iskaashi oo la xiriira difaaca, kaas oo looga dan leeyahay in lagu xoojiyo la dagaalanka argagixisada Bariga Afrika iyo in taageero loogu muujiyo dedaalada ay Kenya ku doonayso inay ku hoggaamiso hawl-galka dhinaca amniga ee dalka Haiti oo ay sheegtey in ay u direyso ciidamo nabad ilaalin ah.

Xoghayaha difaaca ee dalka Maraykanka Lloyd Austin iyo wasiirka difaaca ee Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa qalinka ku duugay heshiis soconaya muddo 5 sano ah.

Xoghaye Austin ayaa sheegay in Maraykanku “uu uga mahadcelinayo Kenya, hoggaaminteeda ku aaddan xallinta duruufaha amniga ee gobolka iyo weliba kuwa caalamka”, isaga oo sidoo kale uga mahadnaqay doorka hoggaamineed ee Kenya ee ku aaddan ciidamada caalamiga ah ee isku dhafka ah ee la doonayo inay dib u soo celiyaan xasiloonida Haiti.

Xoghayaha gaashaandhigga maraykanka ayaa toddobaadkii hore, ka qayb gelaya kulan doceed ka dhacay New York, intii uu socday shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, wuxuu ku sheegay inay kala shaqaynayaan Congresska Maraykanka, sidii loo ansixin lahaa lacag gaaraysa illaa $100 milyan oo lagu bixiyo hawlgalka Haiti.

Horseed media