Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Taliyaha cusub ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka oo xilka la wareegay

Talyaha cusub ee ciidanka lugta xoogga dalka Gaashaanle Sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho.

Munaasibadda xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka soomaliyeed,hoggaannada ciidanka, kan gaadiidka, xiriirka arrimaha dibedda ,hanti dhowr iyo marti sharaf kale.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed sarreeye Guuto; Madey Nuureey Sheekh ayaa Xilka u kala Wareejiyey Taliyaha cusub ee xilka la wareegay gashaanle sare Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyihii hore ee Ciidanka dhulka Sarreeye guuto; Axmed Aadan Cali.

Taliye ku -xigeenka CXDS sarreeye Guuto Madey Nuureey Sheekh Ufuroow ayaa kula dar daarmay tliyaha cusub inuu dar dargeliyo howsha culus ee loo igmaday ,wuxuuna taliyuhu eebbe uga baryay inuu Alle la garab galo waajibaadka adag ee horyaallo.

Taliyaha cusub ee ciidanka lugta ee xoogga dalka Soomaaliya ayaa horey u ahaan jirey taliyaha ciidanka kumaandooska ee Gergor, waxaana lagu sheegay in uu yahay nin khibrad fiican u leh shaqada uu qabanaayo.

Horseed Media